Gaalkacyo (Caasimada Online) – Iyada oo xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka taagan tahay Galmudug, ayaa waxaa isa soo taraya digniinaha laga bixinayo in xaaladdu faraha ka baxdo, isla markaana isku beddesho gacan ka hadal.
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare, kana soo jeeda Galmudug, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ka digay faragelin uu sheegay in dowladda federaalka ay ku hayso arrimaha doorashooyinka Galmudug, xilli lagu jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.
Qaybdiid, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa sheegay in Galmudug aysan ahayn Koonfur Galbeed oo kale, isla markaana aan lagu muquunin karin xoog, sida uu hadalka u dhigay.
“Galmudug ma aha Koonfur Galbeed oo kale. Lama xoogi karo. Annagu wax aysan reer Galmudug doonayn naguma socon karaan,” ayuu yiri senatorku.
Sidoo kale, wuxuu ka horyimid qorshaha dowladda federaalka ee ku aaddan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca deegaannada Galmudug.
“Waa cudur qof iyo cod aan heshiis lagu ahayn oo qof wato. Waa waxa dalka meelo badan dhibaato ka abuuray, waana ka soo horjeednaa,” ayuu raaciyay.
Dhanka kale, Qaybdiid ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in muddadii xilka loo doortay ay dhammaatay, loogana baahan yahay inuu talada miiska soo saaro si looga heshiiyo doorashada.
“Madaxweynuhu mas’uul ayuu dalka ka ahaa, talana maanta wuu leeyahay. Muddo afar sano ah ayaa la siiyay, waana dhammaatay. Waxaa waajib ku ah inuu noqdo oday Soomaaliyeed,” ayuu mar kale yiri senatorku.
Si kastaba, mucaaradka ayaa maalmahan ku doodayay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia, isla markaana uu yahay madaxweyne hore oo la mid ah madaxdii dalka soo martay, sida ay hadalka u dhigeen.