Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay in dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan (OK-to-Board).
War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa lagu sheegay in dowladda ay si dhow ula socotay xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safrayay dalka Masar, kuwaas oo caqabado kala kulmay ka bixitaanka garoomada diyaaradaha, taas oo sababtay go’aankan cusub.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa shaacisay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka May 2026, si ku-meel-gaar ah loo joojiyay adeegsiga warqadda OK-to-Board ee hore loogu geli jiray safarrada dalka Masar.
Sidoo kale, hay’adda ayaa caddeysay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar hadda kadib looga baahan yahay dal-ku-gal rasmi ah oo ay bixiso qunsuliyadda Masar, iyadoo meesha laga saaray nidaamkii hore ee oggolaanshaha safarka.
Qoraalka kasoo baxay hay’adda ayaa lagu xusay in go’aankan uu yahay mid lagu xallinayo caqabadaha joogtada noqday ee ay wajahayeen rakaabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa lagu celin jiray ama lagu xanibi jiray garoomada diyaaradaha ee dalka Masar.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadeyso wada-shaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya dowladda Masar, si loo helo hannaan fudud oo sharciyeysan oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu safri karaan dalkaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa muwaadiniinta ugu baaqday inay si taxaddar leh ula socdaan wargelinnada rasmiga ah ee la xiriira safarrada dibadda, isla markaana aysan adeegsan waddooyin ama dokumentiyo aan waafaqsaneyn shuruudaha cusub ee la dejiyay.
Ugu dambeyntiina, hay’adda socdaalka ayaa xoojisay muhiimadda xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo muujisay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo lagu ilaalinayo badqabka iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya dalkaas.